YAAN GUDOON SIIYAA QALBIGEYGA

 Safarka "kugu Haboon" 

Tani waa nolashadaa, waa hadiyad alle kusiiyey, adiga ayaana nafsadaada mas'uul ka ah , madaama ay tahay nolasha waxa ugu qiimaha badan aad adduunka heysato , ma fudada in aad qof noloshaada u hibeysso si aad ula wadaagto, naftuna waxa ay u baahan tahay lamaane ay isla wadaagan nolosha si ay isku dhammeystiraan, si kasta oo uu qofku u yahay mid awood badan, bulshada sameyn wanaagsan ku dhex leh, xoolo haysta, haddana weli waxaa uu ubahanyahay jacayl iyo ruux dareensiya xassilooni iyo amni.

Alle marka uu kasheekeeynaayey ujeeddada nolosha qoyska waxa uu dhahay:" waxaa ka mid calaamooyinkiisa in uu idinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina is jacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan calaamad qoomkii fikiraya."

Haddii aad si fiican ugu fiirsato aayaddan waxaa lagu xusay seddex arrimood oo nolosha aadanaha muhiim u ah:

1) Isku xasilid (xasilooni maskaxda ah iyo mid jirka ah)

2) Is jaceyl (Kalgacal wadaag labada dhan ah)

3) Naxariis (Isku naxariisasho & Isku damqasho)

Xiriirka kaliya ee aad adiga dooran karto 100% waa guurka maxaa yeelay ma dooran kartid inta kale ee cilaaqaadka sida: Aabbe, Hooyo, Walaal, Qaraabada iyo xitaa caruurta sidaas darteed , su'aasha ah yaan siiyaa qalbigeyga ma'ahan su'aal si fudud looga jawaabi karo, maadaama guurka uu ka mid yahay go'aannada ugu adag noloshaada , sababtoo ah waxaad xulaneysaa qofkii aad lawadaagi laheyd inta kaaga harsan noloshaada.


waxaa muhiim ah in aad si fican oo deggan ugu fiirsato qofka aad u hibeyn laheyd qalbigaaga, mana rabo in aan kaa cabsiiyo balse guurka ka hor yuusan ku qaadin xamaasad ama hebel waa guursadaye adna guurso.

Maahmaah soomaaliyeed ayaa waxay ahayd." Geedkii orod lagu koraa orad ayaa loogu soo dagaa" in aad qalbigaaga siiso qof u qalmo  waa mid ka mid ah go'aamada ugu adag, sidaa darteed waxaa laga yabaa in waqti badan uu kugu qaato doorashada lamaanaha saxda ah , waxaana jira shuruudo dhowr ah oo kaa caawinaya si aadan ugu dhicin dhibaato adigoo raadinaya liibaanta guuraka , xulasho qaldan waxay sababi kartaa dhibaatooyin farabadan adigan aadan jeclayn qofka kalena uusan jeclayn, waxayna ka  mid tahay waxyaabaha alle laga baryo in uu kaa badbaadiyo.

"Allahayoow waxaan kaa magan galay lammaane sabab u noqda in ay ciro i gasho inta aan lagaarin xilligeedii".

Waxaa la yiraahdaa:"Wiilkaagu hal habeen buu hiil kaa baahan yahay, waana habeenka aad hooyadiis doonayso".

             Waxaan bilaabeynaa safar aan ugu magac daray igu haboon? Inta aan bilaabin safarkaas, ogooow in safarkaas adiga kaa bilaabanayo bal hadaba, waxaad si sax ah warqad ugu qorataa : Qofka adiga aa tahay, waxa aad jeceshahay, waxa aadan jeclayn, waxa aad ku fiican tahay iyo waxa aad ku liidato.

              Haddii ay kugu adkaato baaritaanka naftaada, iskuday in aad weydiiso dadka kugu dhow  sida asxaabtaada iyo dadka sida fiican kuu yaqaana, sidoo kale warqadda dhinaceeda kale waxaad ku qortaa waxa aad noloshaada ka rabto (Yoolalka noloshaada) iyo waxa aad ka rabto lammaanahaaga!

  "Nolasha macaankeeda ma uusan dhadhamin qofkii aan laheyn lammane uu ku xassilo oo uu ku dego"


Hadii aad halkaan ila soo gaartey lawadaag qofka aad jeceshahay inuu ka faa'ideysto maqaalkaan. MAHASANID.


Akhri maqaalkeena cusub



Post a Comment

0 Comments