Mid ka mid ah caadooyinka ugu weyn ee lagu garto dhalinyarada dhaqso guuleysta waa in ay leeyihiin Nidaam nololeed wanaagsan, gaar ahaan sida ay u maamulaan hurdada iyo soo kicista.
Waxaa layiri:"Qofka subaxda hore kaca, waxuu nolosha ka qabsadaa in ka badan inta uu qofka kale Hurdada ku laabto."
Laakiin dhalinyarada badankood waxay ku xiranyihiin nolol habeen iyo maalin isku beddeshay, habeenkii oo saq dhexe la hurdo, iyo maalintii oo goor danbe lasoo kaco, Sidaas darteed waxaa halkaas kaaga lumaya waqtigii ugu barakada badnaa ee maalintaada.
Faa'idada ku jirta inaad xilli hore seexato , Subixiina xilli hore ka soo kacdo:-
1: Maskax fayoow iyo niyad deggan: marka aad habeenkii si fiican u seexato, maskaxdaada waxay heshaa nasashadii ay ubaahneyd. Subaxdii marka aad soo toosto waxaad dareemeysaa deganaansho iyo feejignaan kuu sahli karta inaad wax badan barato, shaqo fiican qabato, iyo inaad gaarto go'aano wanaagsan oo noloshaada la xiriira.
2: Waqti badan oo wax ku ool ah: subaxaha hore waa waqtiga ugu fiican maskax ahaan , xiligaas maskaxda dhaqsi ayey wax qaban kartaa, xitaa haddii aad hal saac ka faa'ideysato subaxdii, waxaa laga yabaa inaad qabato wax ka badan inta aad galab iyo habeen dhan isku dayeyso inaad qabato.
3: Caafimaad wanaagsan: hurdadaada oo wanaagsanaata waxay ku siineysaa caafimaad jireed iyo mid maskaxeed oo wanaagsan, dadka nidaamsan ee xiluyada hore seexda waxay subixii hore lasoo kacaan tamar dheeri ah.
4: Xiriir dhow oo ilaahey lala yeesho: subaxda hore waa waqtiga salaadda fajr, quraan aqris, iyo inaad waqti fiican u hesho xusida alle. waa waqti aad qalbigaaga ku xasilin karto isla markaana niyaddaada kor ugu qaadi karto si maalintaada ay kugu bilaabato maalin wanaagsan.
Sidee ayaad ku bilaabi kartaa?
*Ku dadaal inaad goor hore seexato, adigoo iska joojinaya isticmaalka taleefanka ama TV-ga habeenkii.
*Sameyso jadwal aad ku go'aansato inaad toosto saacad gaar ah subax walba
*Ku bilow maalintaada adigoo qabanaya wax faa'ido leh Sida: wax akhris , jimicsi , ama qorsheynta maalintada.
Ugu dambeyn, xasuus now ducadii qiimaha badneyd ee uu nebi muxammed(NNKH) yiri:
(Ilaahow u barakee ummadeyda subaxdooda hore)
Marka isku day inaad lumin barakadaas: Habeenkiina xili hore seexo, Subaxdiina xili hore kac.
Maalin walba oo aad subax hore kacdo waa maalin horumar kuu horseedi karta.
Hadii aad halkaan ila soo gaartey lawadaag qofka aad jeceshahay inuu inuu xili hore kaco, xili fiicana Seexdo si uu naftiisa wax u taro share u dheh link website ka. MAHADSANID
0 Comments