"Ma waxaad dareemaysaa in maalmahaagu iska lumayaan oo aanad waxba gaadhin?

 10 Dabeecadood oo Ay Leeyihiin Dadka Guulaysta – Sidee Ayaad Adigu Uga Faa’iidaysan Kartaa?


In la guuleysto ma ahan nasiib, waa dabeecado aad naftaada barayso. Dadka guulaysta waxay leeyihiin caadooyin iyo fikirro joogto ah oo ka caawiya inay gaaraan yoolalkooda. Haddaba maqaalkan wuxuu kuu iftiiminayaa 10-ka arrimood ee ay sameeyaan dadka guulaysta maalin kasta, kuwaas oo adiguna aad maanta bilaabi karto!

📋 10 Dabeecadood oo Muhiim ah:

  1. Toosid Hore: Maalmaha ugu fiican waxay ku bilaabmaan waqtiga hore ee subaxda.

  2. Qorshe Qoran: Maalin la qorsheeyey waxay yareysaa mashquulka iyo jahwareerka.

  3. Jimicsi Jirka & Maskaxda: 15 daqiiqo oo dhaq-dhaqaaq ah iyo 10 daqiiqo oo feejignaan (meditation) ah.

  4. Akhri / Baro: Maalin kasta hal bog ama hal cashar baro.

  5. La noqo Dad Fikrad Wanaagsan leh: Saaxiibka wanaagsan wuxuu kuu dhisayaa mustaqbal wanaagsan.

  6. Ka fogow Qashin Internetka: Isticmaalka social media ha ahaado mid waxtar leh.

  7. Kalsooni iyo Is-aaminaad: Ku hadal cod kalsooni leh, kuna soco dhabarka toosan.

  8. Cabitaan Biyo Badan: Jirkaaga iyo maskaxdaadu waxay u baahan yihiin biyo nadiif ah.

  9. Xasuus Qor: Guulahaaga iyo qaladaadkaaga ku qor buug gaar ah.

  10. Mahadnaq Maalinle ah: U mahadnaq nolosha, caafimaadka iyo fursadaha.



Maanta go'aan ka gaar inaad is beddesho. Bilow mid ka mid ah dabeecadahaan, kaddibna maalin kasta ku dar hal kale. Bilowga wuu adag yahay, laakiin natiijada waa lama huraan.

Horumarka nolosha kama yimaado hal tallaabo oo weyn balse wuxuu ka bilowdaa caadooyin yar-yar oo joogto ah. Haddii aad maanta bilowdo in aad seexato goor hore, qorshaysato maalintaada, kana fogaato dib-u-dhigis, waxaad dhisaysaa naftaada berri.

➡️ Akhristow, sidee ayaad u bilaabi lahayd? Qaybta comments-ka noogu reeb fikirkaaga.
➡️ Ha ilaawin inaad la wadaagto qof aad u aragto inuu u baahan yahay dhiirigelintaan faaidada leh mahadsanid!

👉 Akhri maqaalkeenna kale oo kusaabsan:

90 Maalmood oo Isbeddel Nololeed Ah: Hadaf Ruuxi, Waxbarasho & Caafimaad:


Post a Comment

0 Comments