Baro Naftaada ( mid xun mise mid fiican Qaybta 1aad)

                                                                     ("وفى أنفسكم أفلا تبصرون")

War nafsadiina soo uma jeedaan

Waxaan niraahnaa „waa nin fiican‟ waa nin xun‟ Waa naag fiican. Waa naag xun Maxaan u jeednaa marka aan wanaag qof ku tilmaamayno? Waxaan u jeednaa inaan ka warbixino, xaaladdiisa nafsadeed. Waa qof wanaagsan. Waa qof xun. Ninkaas iska jir waa nin xun. Naagtaas naag fiican ma aha. Iska Ilaali. Tilmaamahaas aan had iyo jeer bixino waa maxay? Maxay ku sal-leeyihiin? Maxaan ula jeednaa? Waa muhiim inaan ogaano. Markaan leenahay ninkaas hebal la yiraahdo waa nin fiican oo aad u wanaagsan, uma jeedno midabkiisa, dheerarkiisa, qabiilkiisa iyo xoolaha uu haysto. Uma jeedno dharka uu xirto iyo cuntada uu cuno. Uma jeedno iskuulkii uu ka soo baxay iyo shahaadada uu haysto. Uma jeedno uma dan- lihin meeshii uu ka yimid iyo halkii uu ku koray. Waxaan tilmaamaynaa xaalada nafsadeed ee uu ku sugan yahay. Waa nin fiican iyo waa nin xun waxay tilmaamaysaa xaaladda nafsadeed ee qofkaasi ku sugan yahay.(inkasta oo fiicnanta iyo xumaanta qof lagu sheegayo ay ku xiran tahay hadba halbeegga ay kuwaas wax sifeynaya ku miisaamaan samaha iyo xumaha).



Haddii uu nin saaxiibkaa ah kaa codsado inaad u soo raadiso gabar fiican oo uu guursado, sideed u qaadan  lahayd? Gabar noocee ah ayaad u raadin lahayd? Maxaad ku kala saari kartaa gabar fiican iyo gabar xun? Ma jooga iyo dheerarkaa? Ma midabkaa? Ma da‟daa? Ma meesha ay ku kortay iyo meesha ay dagantahaybaa? Ma xoolaha ay haysataa ? Maxaad ku soo sooci lahayd gabadh fiican? shaki la‟ Xumaanta iyo wanaaggu waa xaaladda nafsadda. Xaaladda nafsadda ee dadka ayaa kala duwan. Iyada ayaa qaadata tilmaamahaas aan sheegno. Marka aan wanaag sheegayno waa xaalad nafsadeed. Sidoo kale, marka aan xummaan sheegayno ama aan qofka u nisbaynayno, waa xaalad nafsadeed.

Caruurteenna waan kala tilmaannaa. Waxaan ku sheegnaa mid inuu Caasi-waalid yahay. Midna inuu baari yahay. Mid waan u ducaynaa. Waan jecelnahay. Wax kalana ma ahee wax buu bixin karaa. Wakhti, booqasho, u khidmayn, wax maqlid, daryeel iyo tixgalin, waa qof wax bixin kara. Sidaas daraadeed waan u ducaynaa. Waan jecelnahay. Midka kale aragtidiisa ayaa dhib ah. Booqasho malaha. Wax quur malaha. Dareen iyo daryeel ma laha. Haddana waa laba cunug oo aad adigu aabbe ama hooyo u tahay. Waa laba cunug oo aad soo korisay. Waa laba cunug oo aad jeclayd. Waa laba cunug oo aad ku soo rafaaday. Waa isku hooyo iyo isku aabbe. Haddana aad ayay u kala duwan yihiin. Waa maxay sawabtu?

Waa xaaladda nafsadda. Nafsaddooda ayaa kala duwan. Nafsadda ayaa kala xoog badan. Nafsadda ayaa midna caafimaad qabtaa midna jirantahay. Waa nafsaddaas midda aan baranayno oo aan wax ka sheegayno.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa, ninkii Saacad kaa horeeya maalin magaartid. Ninkii maalin kaa horeeyana Bil ma gaartid. Ninkii bil kaa horeeyana sannad ma gaartid. Ninkii kaa Xaas (Xilaha) fiicanna waligaa ma gaartid. Naagtaas wanaagsan, waxa loo jeedo oo la ammaanayo, waa nafsaddeeda. Sidoo kale, tilmaamaha guud ee aan dadka ka bixinno, waxay tix raacayaan, xaaladda nafsadda ee qofkaas. Waxaan niraahnaa, qofkaasi waa bakhayl, waa deeqsi, waa geesi, waa fulay, tilmaamahaas oo dhan waxay tixraacayaan xaalad nafsadeed oo markaas jirta. Haddii aan sidaas u ogaano, aanan rabno inaan noqono dad fiican, oo qof walba ka mahad sheegto, qof baarri ah oo waalidki ixtiraama, qof aan fulay ahayn, qof deeqsi ah oo wax bixiya, haddii aan tilmaamahaas danaynayno oo aan jeclaan lahayn inaan noqono dhinaca wanaagsan ee tilmaamaha, waa inaan si fiican oo ula kac ah u daraasayno culuumta buuggaan ku qoran. Waa mid na qusaysa oo aan u baahannahay. 

Xaaladda nafsadda ee bani‟aadamku way ka xeel dheertahay in la wada fahmo ama la wada barto. Wax kasta oo laga oogaaday ama laga qoray waa wax yar oo caad yaal ah. Sirta dhabta ah ee nafsadda aadanaha Alle kaliya ayaa garanaya. Marka aan nafsadda aadanaha ka hadalayno, dhinaceeda wanaagsan waxaan Isticmaalaynaa Ruuxda. Marka aan ka hadlayno dhinaceeda liitana waxaan isticmaalaynaa Nafsadda. Laakiin waa la isla qaadankaraa labada dhinacba. 

 Nafsadda insaanku way kala duwantahay. Way kala adagtahay. Way kala xoog-badantahay. Way kala jilicsan tahay. Way kala khayr badan tahay,way kala shar badan tahay. Marka hore ee Alle abuuray ayay kala duwantahay. Sirta kala duwanaantaasna Alle kaliya ayaa og. Taasi waa asalka hore, ee awoodda Alle iyo cilmigiisa ku saabsan. Haddana nafsaddu marna way caafimaad qabtaa marna way jirantahay. Mar way xoogowdaa marna way daciiftaa. Mowduucaan Waxaad ka baranaysaa oo aad ogaanaysaa nafsadda caafimaadka qabta iyo nafsadda jirran siday kala yihiin. Waxaad ogaanaysaa nafsadda wanaagsan iyo midda xun waxa loola jeedo. Waxaad ogaanaysaa sababta midna u fiicantahay midna u xuntahay. Waxaad kale oo awood u helaysaa qaabkii iyo farsamadii aad nafsaddaada kor ugu qaadi lahayd, iyo qaabkii aad u daawayn lahayd. Marar badan waxaa inagu dhaca cuduro aan Alle mooyee cidna inaka caawin karin oo xagga nafsadda ah, meel aan la aadnana aynaan garanayn. Carruurta ayay cudurradaasi inooga dhacaan. Dhakhtar ina caawin kara iyo daawo aan isticmaali karnana ma garanayno.Maxaad yeelaysaa?


QAYBTA LABAAD


Post a Comment

0 Comments